Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Arimaha Dibadda oo Nairobi uga qaybgalay shir madaxeedka Africa Forward

Nairobi (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb galay kulanka heer wasiir ah oo looga hadlayay dib u habeynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo isticmaalka awoodda diidmada qayaxan ee loo yaqaano (Veto), intii uu socday Shir madaxeedka Africa Forward ee ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehlinayay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle, iyo diblomaasiyiin kale oo sar sare.

Dowladda Soomaaliya ayaa markale caddeysay taageeradeeda ku aaddan dib u habeynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si loo helo matalaad juqraafiyeed oo cadaalad ah, isla markaana loo xoojiyo codka dalalka soo koraya, gaar ahaan kuwa Afrika.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r