Press "Enter" to skip to content

W :

Muqdisho,(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day) ayaa ku bogaadiyey Midowga Yurub iyo dowladaha xubnaha ka ah doorkooda ku aaddan taageerada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Midowga Yurub uu Soomaaliya garab taagnaa xilliyadii ugu adkaa, gaar ahaan taageerada dhinacyada bani’aadannimada, dib-u-dhiska dowladnimada, horumarinta hay’adaha dowladda, amniga iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha oo ay door weyn ka qaateen horumarkiisa.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay sameyneyso horumar la taaban karo, iyada oo dowladdu ay xoogga saartay dib-u-dhiska hay’adaha, xoojinta amniga, horumarinta dhaqaalaha, ballaarinta adeegyada bulshada iyo dardargelinta hannaan dimuqraadiyadeed loo dhan yahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay qorshaynaso in dalka laga hirgaliyo doorashooyin qof iyo cod ah si shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda, isaga oo tilmaamay in madaxda dowladda ay ka go’antahay wadatashi iyo is-afgarad lagu xoojinayo amniga iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay k qeyb qaataan wadatashiyada qaran ee dowladdu u fidisay, iyada oo la ilaalinayo danta Qaranka iyo wadajirka Shacabka Soomaaliyeed.

“Marxaladdan muhiimka u ah dhismaha Qaranka, waxa uu dalkeennu u baahanyahay wadatashi iyo wada-shaqayn wax dhisaysa ee ma aha jahwareer siyaasadeed, xalal waara ee ma aha khilaaf aan dhammaad lahayn, midnimo iyo ummad wadajir ah ee ma aha kala qeybinta bulshada”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r