Press "Enter" to skip to content

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY DALKA JABUUTI.

Muqdisho- SONNA- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo uu kaga qayb galayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti si diiran ugu soo dhoweeyay Ra’iisulwasaaraha dalkaasi, Mudane C/qaadir Kaamil Maxamed iyo mas’uuliyiin kale, kuwaasi oo muujiyay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah madaxda dowladaha geeska Afrika iyo mas’uuliyiin kale oo lagu casuumay ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti, waxaana muddada uu dalkaasi joogo kulamo la yeelandoonaa Madaxda sare ee dalka Jabuuti iyo mas’uuliyiin kale.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r