Muqdisho (SONNA): Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhoweeyey Guddoomiyaha Hay’adda, Mudane Liibaan Cabdi Cigaal.
Intii uu kormeerku socday, Wasiirka waxaa warbixinno faahfaahsan laga siiyey habsami u socodka shaqooyinka iyo adeegyada kala duwan ee ay bixiso hay’addu. Warbixinnadaasi waxay si gaar ah diiradda u saareen qorshayaasha horumarineed, dadaallada lagu xoojinayo taageerada qaxootiga iyo barakacayaasha, iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada bani’aadannimo ee ay hay’addu bulshada u hayso.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Xoosh ayaa bogaadiyey shaqada muhiimka ah ee hay’addu u hayso bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay doorka muuqda ee ay ka qaadato daryeelka, taageerada, iyo u adeegidda dadka nugul ee ay saameeyeen duruufaha adag. Wasiirku waxa uu sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta howlaha socda si loo xaqiijiyo himilooyinka qaran ee la xiriira arrimaha bani’aadannimada, dib-u-dejinta, iyo horumarinta bulshada.
Dhanka kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa goob-joog ka noqday adeegyo daryeel iyo taageero ah oo loo fidinayey qaar kamid ah barakacayaasha ay hay’addu gacanta ku hayso.




Be First to Comment