Ouagadougou (SONNA): Madaxweynaha Burkina Faso mudane Kabtan Ibrahim Traoré ayaa maanta qaabilay wasiirka amniga dowladda FS Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo wafdi uu hogaaminayo, iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga labada dowladood iyo horumarinta calaaqaadka dhinaca amniga, la dagaallanka argagixisada.
Fartaag ayaa Kabtan Traoré u gudobiyey farriin rasmi ah oo uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
” Waxaan isla garannay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinacyada is-weydaarsiga xogta sirdoonka, tababarrada, iyo wada shaqeynta hay’adaha amniga” ayuu yiri wasiir Fartaag.
Burkina Faso iyo Soomaaliya waxay wadaagaan caqabado isku mid ah oo la xiriira la dagaalanka argagixisada.




Be First to Comment