Press "Enter" to skip to content

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Muqdisho,Soomaaliya,05 May 2026:— Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga walaacsan tahay faafinta warar aan sal iyo raad toona lahayn iyo eedeymo been abuur ah oo lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta iyo baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in la gaaray go’aan lagu eryayo Safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Wasaaraddu si adag ayay u beeninaysaa sheegashooyinkan, waxayna ugu baaqaysaa dhammaan hay’adaha warbaahinta iyo isticmaalayaasha baraha bulshada inay muujiyaan saxnaan, xirfadnimo, iyo mas’uuliyad, isla markaana ay ku tiirsanaadaan xogaha rasmiga ah marka ay faafinayaan wararka.

Sidoo kale, waxay ka digaysaa faafinta warar khaldan oo lagu wiiqayo xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya dalalka Carabta.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r