Press "Enter" to skip to content

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Dowladda Soomaaliya Sh. Mukhtaar Roobow Cali ayaa oo Daahfuray Duulimaadyadii ugu horreeyay ee Xujeyda Soomaaliyeed ee ka dhoofaya dalka.

Wasiir Roobow ayaa sheegay in xal loo helay dhibaatooyin badan oo horay u heystay Xujeyda Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay howluhu u socdaan si habsami leh.

Dhinaca kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Maxamed Xasan Bullaale ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay usoo kordhisay Xujeyda Soomaaliyeed adeeg Caafimaad oo dhameystiran, ayna raaci doonaan dhaqaatiir la socon doonta xaaladdooda.

Xujeyda maanta dalka ka dhooftay ayaa gaareysa 432 Xujey Soomaaliyeed ah, kuwaas oo ka kala duulay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa .

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r