Muqdisho (SONNA): Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa si rasmi ah u daahfuray shirka Taliyayaasha Talisyada Sirdoonka ee wadamada ku mideysan Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo socon doona 29–30 Abriil 2026.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladaha amni ee wadamada Bariga Afrika iyo guud ahaan gobolka, iyadoo la isla falanqeynayo caqabadaha jira iyo xoojinta iskaashiga sirdoonka.
Taliyaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya, xaaladda guud ee gobolka, iyo muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta sirdoonka. Sidoo kale, waxa uu xusay horumarka laga gaaray dib-u-habaynta iyo soo kabashada Ciidanka XDS.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa uga mahadceliyay wufuudda ka soo qeyb gashay shirka, isagoo u rajeeyay in uu noqdo mid miro-dhal ah oo laga gaaro natiijooyin wax ku ool ah.




Be First to Comment