Muqdisho (SONNA): Waxaa maanta Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir lagu qabtay kulan dood-wadaag ah oo ku saabsanaa la-dagaallanka maandooriyaha, doodaas oo ay dhex martay bulshada iyo Booliska.
Hoggaanka Xiriirka Bulshada oo soo qabanqaabiyey barnaamijkan ayaa himiladiisu ahayd diyaarinta qorshe lagula dagaallamo maandooriyaha, oo isticmaalkiisu aad ugu faafay dhallinyarada Soomaaliyeed.
Kulanka waxaa ka soo qeyb galay Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliye ku-xigeenka Qeybta Waliyow Cadde, Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Bulshada, Guddoomiyaha Degmada Waaberi iyo bulshada degmada Waaberi.




Be First to Comment