Press "Enter" to skip to content

Marwada Madaxweynaha oo dhiirrigelin u samaysay Carruur agoon ah

Muqdisho (SONNA): Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sahro Cumar Xasan ayaa maanta booqasho ku tagtay deegaanka Jaziira, halkaas oo ay qado ugu sameysay carruur agoon ah oo ay iyadu gacanta ku hayso.

Booqashadan ayaa ahayd mid muujineysa naxariis iyo garab istaag ay Maamo Sahro u fidisay carruurta, iyadoo si gaar ah ula qaadatay waqti ay kula kulanto, ugana waraysato xaaladooda.

Intii ay munaasabaddu socotay kooxda fanka ee Hiddo ayaa halkaas ka qaaday hees si qoto dheer uga hadleysa dareenka hooyonimo ee Maama Sahra Cumar Xasan iyo kaalinta weyn ee ay ka qaadatay daryeelka iyo gacan ku haynta carruurta agoonta ah.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r