Muscat,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali ayaa magaalada Muscat ee Dalka Cumaan kula kulmay hoggaanka sare ee Kooxda ASYAD oo ay ka wada hadleen iskaashi horumarineed oo dhexmara labada Dal.
Wasiirka iyo wafdigiisa, waxaa qaabilay Agaasimaha Guud ee ASYAD, Cumar bin Maxamuud Al-Mahrazi, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kale oo sare, waxayna wadahadalladooda diiradda ku saareen iskaashi ku saabsan horumarinta Dekadaha, saadka isku dhafan, iyo maalgashi la jaanqaadaya mudnaanta dhaqaale ee Soomaaliya.
Labada dhinac, waxay sidoo kale ka wada hadleen fursado wax ku ool ah oo lagu kordhin karo waxqabadka Dekedaha, lagu xoojin karo isku xirka ganacsiga, isla markaana looga faa’iidaysan karo awoodda badda ee Soomaaliya, iyada oo la tixgelinayo meesha istaraatiijiga ah ee ay kaga taallo isku xirka Badda Cas, Gacanka, iyo Bariga Afrika.
Kooxda ASYAD ayaa muujisay diyaar garow ay ku gelayso iskaashi farsamo iyo qaabab maalgashi oo nidaamsan.
Kulankan wuxuu muujinayaa dadaalka joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in ay noqoto xarun marin-badeed oo tartan leh oo heer gobol ah, iyadoo iskaashiyada istaraatiijiga ah loo rogo horumar muuqda oo dhinaca kaabayaasha iyo kobaca dhaqaalaha ah, si waafaqsan ajandaha Diblomaasiyadda Horumarka.




Be First to Comment