Press "Enter" to skip to content

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaallamay Mudug oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho(SONNA):-Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ballaaran oo lagu heshiisiinayo beelo walaalo ah oo hore ugu dagaallamay gobolka Mudug, kaas oo ay ka qeybgaleen siyaasiyiin, isimada dhaqanka, cuqaal, saraakiil ciidan, aqoonyahanno, dhallinyaro iyo haween ka kala socday beelaha daga Galbeedka Mudug.

Shirkan oo muhiim ah ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi,iyadoo gogosha uu dhigay Xildhibaan/Wasiir Maxamed Faarax Nuux.

Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira nabadeynta, dib-u-heshiisiinta, xoojinta wada noolaanshaha bulshada, iyo horumarinta deegaanada ay wada degaan labada beelood.

Sidoo kale, kulanka ayaa xoogga lagu saaray dardargelinta iskaashiga bulshada, xoojinta amniga, ka hortagga colaadaha soo noqnoqda, iyo kor u qaadidda wada shaqeynta dhinacyada dhaqanka, siyaasadda iyo amniga.

Wasiirka Gaashaandhigga, Danjire Axmed Macallin Fiqi, iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo ka soo jeeda labada beelood ayaa door muuqda ka qaatay kulanka, iyagoo si wadajir ah ugu baaqay in la ilaaliyo nabadda, lana xoojiyo midnimada iyo is-aaminaadda bulshada.

Dhankooda, isimada dhaqanka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xalinta khilaafaadka iyadoo loo marayo wada hadal iyo isfaham joogto ah, halka saraakiisha ciidamada iyo hay’adaha amniga ay ballanqaadeen inay ka shaqeyn doonaan sugidda amniga iyo taageeridda dadaallada nabadeed.

Gabagabadii, dhammaan dhinacyadii ka qeybgalay shirka ayaa isla qaatay is-afgarad buuxa iyo qodobo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo nabad waarta, xasillooni, iskaashi bulsho iyo horumar ka hirgala deegaanada ay wada degaan beelaha Leelkase iyo Sacad.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r