Muqdisho 23 Abriil 2026:— Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha ayaa Arbacadii si rasmi ah u daah furay Xarunta Cilmi baarista iyo Casriyeynta Shiinaha oo laga hirgeliyay Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, taasoo muujineysa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee sii kobcaya.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Diabadda Mudane Xamza Haadow, iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu, iyo marti sharaf kale.
Aasaaska xaruntan wuxuu ka tarjumayaa dadaalka wadajirka ah ee lagu horumarinayo is weydaarsiga aqoonta, kordhinta is fahamka labada dal, iyo dhiirrigelinta cilmi baaris wadajir ah oo ku saabsan arrimaha istaraatiiji ah.
Machadka Diblomaasiyadda, oo ah xarunta ugu muhiimsan ee tababarka iyo cilmi baarista Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa door weyn ka ciyaara diyaarinta diblomaasiyiinta Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale xoojinaya ka qaybgalka Soomaaliya ee heer caalami iyada oo loo marayo waxbarasho, cilmi baaris siyaasadeed, iyo iskaashi caalami ah.



Be First to Comment