Press "Enter" to skip to content

Munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha Koonfur Galbeed oo ka dhacday Baydhabo

Baydhabo(SONNA):-Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Cabdi Maxamed.

Munaasabadda dhaarinta oo ka dhacday Aqalka Madaxtooyada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, wasiiro, xildhibaano ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, iyo mas’uuliyiin kale.

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa hambalyo u diray wasiirka cusub, isagoo ku adkeeyay inuu dardargeliyo howlaha shaqo ee wasaaradda, isla markaana ka shaqeeyo horumarinta beeraha iyo waraabka gobolka.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r