Press "Enter" to skip to content

Guddoomiye Abshirow oo khudbad ka jeediyay shirweynaha Baarlamaanada Adduunka

Muqdisho,SONNA):- Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirweynaha Baarlamaanada Adduunka ee ka socda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa khudbadiisa ku dul istaagay Ajendaha shirka oo ahaa Kobcinta rajada, sugidda nabadgelyada iyo hubinta caddaaladda jiilalka mustaqbalka, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta nabadda, horumarinta dowladnimada iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku leeyahay dhismaha hay’adaha dowliga ah, kor u qaadista wadajirka bulshada, iyo xaqiijinta mustaqbal waara oo jiilasha soo socda ay ku naaloon karaan.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r