Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay Madasha Diblomaasiyadadda ee ANTALYA

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Madasha Hoggaamiyeyaasha Diblumaasiyadda Antaaliya ee dalka Turkiga, taasi oo ka qayb galayaan madax dowladeed, diblumaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka socda caalamka, si ay u wadaagaan aragtiyo togan oo ku aadan xaaladda caalamka iyo doorka diblomaasiyadda casriga ah ee xal u helidda caqabadaha caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimadda diblomaasiyadda ee dhisidda kalsoonida, kobcinta xiriirrada saaxiibtinimo iyo xasilinta caalamka, isaga oo tilmaamay in dunida maanta ay si weyn ugu baahan tahay wada-hadallo miro dhal ah iyo iskaashi dhab ah oo lagu wajahayo arrimaha amniga, horumarka iyo xasilloonida.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay doorka firfircoon ee Soomaaliya ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay taageeridda dadaallada diblomaasiyadda dhinacyada badan leh, ilaalinta nabadda, amniga caalamiga ah iyo xoojinta iskaashiga caalamka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r