Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Maaliyadda oo guddoomiyey kulan muhiim ah oo Washington ka dhacay

WashingtonDC (SONNA): Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii – ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, xili Magaalada Washington DC uu ka soconayo shirka Xiliga Gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka oo sanad waliba xiligaan oo kale la qabto.

Shirkan oo ahmiyad gaar ah leh ayaa diiradda lagu saaray horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah kobaca dhaqaale ee dalalka gobolka, kuwaas oo laf-dhabar u ah xoojinta is-dhexgalka ganacsiga iyo iskaashiga dalalka Geeska Afrika.

Intii uu shirku socday, Wasiirrada Maaliyadda ku bahoobay madashan ayaa isla falanqeeyay fursadaha iyo caqabadaha horyaalla maalgelinta kaabayaasha muhiimka ah, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo lagu horumarinayo isku xirnaanta ganacsiga, gaadiidka iyo adeegyada kale ee dhaqaalaha.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r