Press "Enter" to skip to content

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo wakiilada beesha caalamka kala shiray arrimo muhiim ah

Muqdisho (SONNA): Masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo qeyb ay ka yihiin Wasiirka Cadaaldda XFS Mudane Xasan Macallin iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Xildhibaan Cali Cumar Maxamed ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Diblomaasiyiinta caalamka ee ka howlgala Soomaaliya.

Masuuliyiinta Dowladda ayaa wakiillada caalamka uga warbixiyey xaaladda guud dalka, guulaha ay Soomaaliya ka gaartay fulinta ajendeyaasha Qaran iyo hortabinnada dowlad-dhiska.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Safiirro iyo wakiillo ka kala socda Safaaradaha caalamka ee fadhigoodu yahay Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ka howlagala Soomaaliya.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r