Press "Enter" to skip to content

(SONNA):-Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay mashruuca SINNAAN, oo ah mashruuc diiradda saaraya xoojinta kaabayaasha aasaasiga ah, horumarinta qorsheynta magaalada, iyo tayeynta waaxaha injineeriyadda ee Gobolka Banaadir, si loo dhiso nidaam casri ah oo waara.

Mashruucan ayaa sidoo kale waxa uu fursad u yahay in la dardargeliyo adeegyada bulshada, islammarkaana kor loo qaado tayada dhismayaasha, lana xoojiyo iskaashiga hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya horumarinta caasimadda iyo in loo guuro nidaam digital ah oo casri ah, si loo soo jiito maalgashi caalami ah oo kor u qaada kobaca iyo horumarka magaalada.

Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa sheegay in mashruucan uu door muuqda ka qaadan doono dhismaha Muqdisho casri ah oo ammaan ah, qurux badan, isla markaana u adkeysan karta caqabadaha mustaqbalka.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r