Press "Enter" to skip to content

Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyay magacaabista Danjire Nuur Maxamuud Sheekh

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiiradda XJFS ayaa kulankoodii maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabis Danjire , xilkaas oo loo magacaabay Mudane Nuur Maxamuud Sheekh , kadib soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah .

Mudane Nuur ayaa horey xilal sarsare uga soo qabtay urur goboleedka IGAD, ahna dublumaasi xirfad sare u leh xiriirka caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ansixinta golaha kadib hadlay ayaa sheegay in kaadirka aqoonta durugsan u leh dublumaasiyadda uu xoojinayo siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, isaga oo Mudane Nuur u rajeeyay guul iyo xil-gudasho hufan.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r