Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali,ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Tripoli Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Liibiya, Mudane Cabdul Xamiid Al-Dabeyba.
Intii uu kulanku socday, Wasiirku waxa uu gaarsiiyay fariin muhiim ah oo ka timid Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, taas oo ku socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Liibiya, kuna saabsan adkeynta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashi nidaamsan oo u dhexeeya labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo mudnaan gaar ah leh oo ay ka mid yihiin maaraynta socdaalka, ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyo xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed ee ku aaddan xaaladaha gobolka.
Kulankan ayaa yimid xilli xasaasi ah, iyadoo labada dal ay kordhinayaan dadaallada lagu wajahayo tahriibka sharci-darrada ah iyo caqabadaha ka gudba xuduudaha ee saameeya gobolladooda.
Labada dhinac ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn joogto ah oo natiijo leh, waxayna isku raaceen in la sii xoojiyo isku-duwidda xiriirka diblomaasiyadeed, taasoo muujinaysa doorka firfircoon ee Soomaaliya ka qaadanayso xasilloonida gobolka iyo iskaashiga caalamiga ah ee masuuliyadda ku dhisan.




Be First to Comment