Munaasabadda lagu xusayo sanad-guurada 66-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee 12-ka April ayaa hadda ka socota xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirro,xildhibaano katirsan labada Aqal BFS iyo taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada ayaa ka qeyb galay munaasabaddan, taas oo sanad kasta xilligan oo kale ay si weyn u dabaal-dagaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Waxaa la filayaa in ciidamada ay halkaasi ku soo bandhigaan dhoolatus ciidan iyo gaada ka ciyaar, kuwaas oo muujinaya awoodda iyo heeganka ay u leeyihiin difaaca dalka..
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo munaasabadda ku sugan ayaa la filayaa inuu jeediyo khudbad muhiim ah oo la xiriirta taariikhda, halganka iyo guulaha ay gaareen geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa la aas-aasay 12-kii April sanadkii 1960, waxaana sanadkan ay u dabaal-degayaan 66 guuradii ka soo wareegtay aas-aaskooda.



Be First to Comment