Press "Enter" to skip to content

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Hay’addan ayaa door muhiim ah ka qaadan doonta daryeelka iyo korinta carruurta ay ka tageen halyeeyadii naftooda u huray difaaca dalka. Waxaa horay u ansixiyay Golaha Wasiirrada, kaddib soo jeedintii Wasaaradda Gaashaandhigga.

Dhismaha hay’addan ayaa muujinaya sida ay dowladda uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda iyo mustaqbalka carruurta agoonta ciidamada, si ay u helaan waxbarasho, daryeel iyo nolol sharaf leh.

Dhagax-dhigga xaruntan ayaa kusoo beegmay 12-ka Abriil, oo ah sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo xambaarsan qiime qaran oo weyn isla markaana na xusuusinayso halganka iyo naf-hurnimada Ciidanka Soomaaliyeed.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r