Press "Enter" to skip to content

Guddiga doorashoyinka oo Baydhabo ka bilaabay bixinta kaararka codbixiyaasha

Baydhabo (SONNA): Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta magaalada Baydhabo ka daahfuray bixinta kaararka codbixiyeyaasha.

Xoghayaha Guud ee Guddiga Mudane Xuseen Nuunow Cali, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada, isaga oo ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Baydhabo, kuwaas oo horay isu diiwaangeliyey inay qaataan kaararkooda codbixinta si ay codkooda u dhiibtaan maalinta doorashada.

Sidoo kale, waxaa dib loo furay goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee magaalada Baydhabo. Xoghaye Xuseen Nuunow Cali ayaa ugu baaqay bulshada reer Baydhabo ee horay u seegtay fursadda isdiiwaangelinta inay ka faa’iideystaan dib u furista goobaha diiwaangelinta, si ay u helaan xuquuqdooda codbixinta.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r