Press "Enter" to skip to content

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Baydhabo(SONNA):- Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashooyinka. Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay hirgelinta doorashooyin hufan oo daahfuran, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska dalka.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyay dadaallada Guddiga Doorashooyinka, wuxuuna caddeeyay in Dowladdiisu ay ka go’an tahay taageeridda howlaha muhiimka u ah qabsoomidda doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo wada-shaqeyn joogto ah si loo gaaro yoolalka qaran ee la xiriira doorashooyinka iyo horumarinta maamul wanaagga.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r