Muqdisho (SONNA): Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa u Hambalyeeyay Cabdinaasir Cabduqaadir Maxamed oo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska gaar ahaan Waaxda Dhaqanka Iyo Cilmi-baarista oo ku guulaystay Abaalmarinta Farshaxamaystaha ugu wanaagsan 8-da Dal ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) waxaana abaalmarin lagu guddoonsiiyay Magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
“Cabdinaasir wuxuu Qaranka Soomaaliyeed u soo hooyay Sumcad iyo Abaamarin, Sharaf wayn ayeyna u tahay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo uu ka mid yahay howlwadeenadeeda” . Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Wasiir Daa’uud Aweys.




Be First to Comment