Press "Enter" to skip to content

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Muqdisho(SONNA);-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdigu Guddomiyaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalda Baydhabo ku soo dhaweeyey Xoghayaha Guud ee Guddiga, mudane Xuseen Nuunow Cali, oo horey ugu sugnaa magaalada iyo Mas’uuliyiin kale

Ujeeddada Socdaalka Guddoomiyaha ayaa ah kormeerka guud ee howlaha doorashooyinka ee ka socda deegaanada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, dardargelinta hirgelinta qorshayaasha doorashooyinka, iyo hannaanka diyaar-garowga doorashooyinka dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r