Press "Enter" to skip to content

Soomaaliya iyo Suudaan oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Muqdisho,(SONNA):- Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa kala saxiixday heshiis is-dhaafsi fiiso oo u gaar ah dadka haysta baasaboorrada diblomaasiyadeed, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labo geesoodka ah isla markaana lagu fududeynayo wada shaqeynta diblomaasiyadeed ee labada dal.

Heshiiskan ayaa la gaaray 2-da Abriil intii lagu guda jiray kalfadhigii labaad ee Guddiga Wadatashiga Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Suudaan, kaas oo ay si wadajir ah u guddoominayeen Mudane Xamse Aadan Xaadow, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Sooomaaliya iyo Danjire Muawiya Cismaan Khaalid Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada iyo kobcinta awoodda hay’adaha, iyadoo sidoo kale la xoojiyay isku duwidda arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r