Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada, iyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, geerida ku timid S/Guuto Yacquub Maxamed Siyaad, oo ahaa Taliyihii hore ee Ciidanka Danab iyo TurkSom.

Marxuumka ayaa lagu tilmaamay haldoor qaran oo door weyn ka qaatay dib u dhiska iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ka qeyb qaatay dagaalkii 1977, isaga oo caan ku ahaa khibrad ciidan, hoggaan sare, iyo karti uu ku hogaamiyo ciidanka.

Sidoo kale, waxaa lagu xasuusan doonaa dallacaad taariikhi ah oo uu mar qura ku helay 12 darajo, iyo doorkiisii muuqday ee tarbiyeynta jiilal cusub oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.
Marxuum S/Guuto Yacquub Maxamed Siyaad waxa uu sidoo kale wax ku bartay culuumta Daraasaadka Difaaca iyo Istiraatiijiyadda ee Jaamacadda Difaaca Qaranka Shiinaha intii u dhaxeysay 2024 ilaa 2025.

Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu janadii Firdowsa ka waraabiyo, ehelka iyo qarankana uu samir iyo iimaan ka siiyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r