Press "Enter" to skip to content

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo dib u eegis ku sameeyay heshiisyada kirada ee dhulka dowladda

Muqdisho (SONNA): Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u eegis gaar ah ku sameeyey heshiisyada kirada dhulka dowladda ee 7 shirkadood oo kamid ah shirkadaha ganacsiga gaarka ah ee ka howlgala xerada Bootiko, ama Xalane, ee magaalada Muqdisho.

Dib u eegista gaarka ah ee lagu sameeyey heshiiska kirada dhulka ee Shirkadda SKA International Group ayaa muujisay in shirkaddu ay ku ganacsanayso dhul dowladeed oo cabbirkiisu ku dhow yahay 40,000 SQM, isla markaana ay dowladda uga baaqatay lacag dhan $860,000.00.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa Warbixinta Dib u eegista gaarka ah ee heshiiska kirada dhulka ee Shirkadda SKA International Group la wadaagay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r