Press "Enter" to skip to content

Safaaradda Soomaaliya ee Switzerland oo soo dhaweysay Guddiga Xuquuqul Insaanka

Geneva (SONNA): Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhisa dalalka Switzerland iyo Austria, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u jooga Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, Danjire Khadra Axmed Ducaale, ayaa kulan soo-dhaweyn ah u sameeyay wafdiga Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay magaalada Geneva.

Wafdiga oo ay hoggaaminaysay Guddoomiye Dr. Maryan Qaasin Axmed, ayaa Danjire Khadra uga mahadceliyay dadaalladeedii diblomaasiyadeed ee ay kaga qayb qaadatay soo dhiraandhirinta qaraarkii taariikhiga ahaa ee bishii Oktoobar 2025 ay Golaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqul Insaanka ee magaalada Geneva ku gaareen. Qaraarkaas oo ay hormuud ka ahayd Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Khadiijo Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa Soomaaliya si buuxda loogu wareejiyay awoodda maamulka iyo la socoshada arrimaha xuquuqda aadanaha ee dalka.

Booqashada wafdiga ee safaaradda ayaa gebagabo u ahayd shaqadii ay wafdiga Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanku ka hayeen magaalada Geneva saddexdii maalmood ee u dambeeyay, taas oo ku soo dhammaatay guul.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r