Press "Enter" to skip to content

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah

Baladweyne (SONNA): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo wada hawlgalo lagu baacsanayo Khawaarijta ayaa deegaanka Abaar Cano-weyn oo u dhexeeya deegaanka Yasooman iyo degmada Moqokori ee bariga gobolka Hiiraan, waxay weerar dhabagal ah oo ay ka fuliyeen ku dileen maleeshiyo ka tirsan Khawaarijta oo watay gaari nooca Cabdi-bile ah. Hawlgalka waxaa lagu gubay gaarigiiay wateen, waxaana lagu dilay maleeshiyadii saarnaa, sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka XDS, Kornayl Cali Cagey.

Ciidanka hawlgalkan fuliyay ayaa si nabad ah ugu soo laabtay goobihii ay weerarka ka qaadeen, iyagoo la wareegay hubkii ay wateen argagixisadu.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r