Press "Enter" to skip to content

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Roma kaga qeybgalay shirka Taliyayaasha Ciidamada Dhulka ee Afrika

Muqdisho-SONNA- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Somaliyeed Sareeye guuto Sahal Cabdulahi Cumar ayaa magaalada Rome ee Dalka Talyaaniga kaga qayb galay shirka Taliyayaasha Ciidamada Dhulka ee Afrika, African Land Forces Summit 2026.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiso Dawladda Maraykanka, islamarkaana sanad walba la isugu keeno Taliyayaasha Ciidamada Dhulka ee qaaradda Afrika iyo bahwadaagtooda caalamiga ah, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga, horumarinta awoodaha ciidamada, iyo la tacaalidda caqabadaha amni ee wadajirka ah.

Sanadkan waxaa si gaar ah shirka doodiisi ay aheyd Ka doodista doorka sii kordhaya ee tiknoolajiyadda casriga ah, gaar ahaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo sida ay u beddelayaan qaabka hawlgallada militari iyo qorsheynta istaraatiijiga ah.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r