Press "Enter" to skip to content

Taliyaha Booliska Soomaaliya oo shir guddoomiyay kulan la xiriiray amniga iyo horumarinta ciidanka

Muqdisho-SONNA- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaannada, qeybaha iyo fadhiyada madax-bannaan, kaas oo looga hadlay xaaladda amniga dalka iyo dadaallada lagu horumarinayo qeybaha kala duwan ee ciidanka.

Saraakiisha amniga ayuu taliyuhu ku ammaanay dadaalka ay geliyeen sugidda amniga, gaar ahaan bishii Ramadaan iyo maalmihii Ciidda, oo ka mid ahaa maalmaha ugu shaqada badnaa ee laamaha kala duwan ee amniga, kuwaas oo si gaar ah ugu xilsaarnaa sugidda amniga muwaadiniinta.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r