Press "Enter" to skip to content

Madaxweynaha JSF oo hambalyo ku aadan munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan umadaha Muslimiinta caalamka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey in uu ka aqbalo soonkii, salaaddii, sadaqadii iyo guud ahaan cibaadooyinkii la gudtay intii lagu jiray bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan midnimada, iskaashiga iyo nabad ku wada noolaanshaha, si loo gaaro horumar waara iyo mustaqbal ifaya.

Wuxuu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la is garab istaago, lana taageero dadka nugul xilliyada farxadda leh sida Ciidul Fitriga.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa u rajeeyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka Ciid barako leh, farxad iyo nabad waarta.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r