Press "Enter" to skip to content

R/Wasaaraha XFS oo hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga u diray Shacabka Soomaaliya

Muqdisho- SONNA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Islaamka ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Alle uga baryay in uu ka aqbalo dhammaan Muslimiinta soonkii, salaaddii, sadaqadii iyo acmaashii wanaagsanaa ee lagu gudtay bishii barakaysnayd ee Ramadaan.
Waxa uu sheegay in munaasabadda Ciidul Fidriga ay astaan u tahay farxad,

walaaltinimo iyo isu naxariisasho, isla markaana ay tahay maalin ay Muslimiintu xoojiyaan xiriirka qaraabada, iscafinta iyo wadajirka bulshada, iyaga oo Alle uga mahadcelinaya nimcada Ramadaan iyo fursaddii cibaadada ee uu siiyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah u bogaadiyey ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka, ilaalinta amniga iyo badbaadada shacabka.

Sidoo kale, waxa uu hambalyo u diray shaqaalaha dowladda, culimada iyo dhammaan qoysaska Soomaaliyeed, isaga oo u rajeeyey in ay ku ciidaan nabadqab, farxad iyo barwaaqo.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku baaqay in la sii xoojiyo midnimada, nabadgelyada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isla markaana la garab istaago dadka ay saameeyeen abaaraha iyo duruufaha nololeed ee adag.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r