Press "Enter" to skip to content

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu talagalay munaasabadda Ciida u qeybiyey hooyooyin iyo carruur ku jira isbitaalka.

Muqdidho-SONNA- Maamulka isbitaalka, oo wakiil uga ahaa Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa qeybinta ciidsiinta ku farxiyay qoysaskan, kuwaas oo u badan dad danyar ah, si ay ula wadaagaan farxadda Ciida isla markaana ay u dareemaan daryeel iyo garab istaag xilli ay ku jiraan xaalad caafimaad.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada maamulka isbitaalka ee lagu taageerayo bukaannada aan awoodin inay guryahooda kula ciidaan qoysaskooda, iyadoo sidoo kale lagu xoojinayo niyad-dhiska iyo daryeelka bukaannada.

Maamulka Isbitaalka Xoogga ayaa xusay in Taliska Ciidanka XDS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ay si joogto ah u taageeraan horumarinta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan kuwa lagu garab istaagayo ciidanka iyo bulshada u baahan daryeelka caafimaad.

Ugu dambeyn, maamulka isbitaalka ayaa caddeeyay inay sii wadi doonaan barnaamijyada niyad-dhiska bukaannada, si loo hubiyo in qof kasta oo ku jira Isbitaalka Xoogga uu helo daryeel caafimaad oo tayo leh iyo garab istaag bani’aadamnimo.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r