Press "Enter" to skip to content

Hay’adda SoDMA oo gurmad biyo-dhaamin ah ka sameysay gobolka Baay

Muqdisho,(SONNA):- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka daahfurtay biyo-dhaamin muddo toddobaad ah socon doonta, taas oo loogu gurmanayo bulshada ay saameeyeen abaaraha ba’an ee dalka ka jira ee ku nool gudaha magalaada iyo tuulooyinka ku xeeran.

Biyo-dhaamintaan waxaa daahfuray wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Isaaq Macalin (Wasiir Ganeey), waxaana goobjoog ka ahaa kaaliyaha Guddoomiyaha SoDMA Cabdiraxmaan Waxiid, Isla maanta dhowr booyadood ayaa biyo dhaamin ka sameeyay qaar kamid ah xaafadaha magaalada Baydhabo iyo tuulooyinka hoostaga oo dadka aad ugu tabaalaysnayeen biyo la’aan dartood.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r