Muqdisho,(SONNA):- Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan lagu maamuusay xuska maalinta caalamiga ee Haweenka Adduunka, si loo muujiyo doorka muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin bulshada, halganka ay u galeen xaqiijinta xuquuqdooda iyo guulaha ay ka gaareen dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.
Kulanka xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday hay’adaha dowladda, wakiillo ka tirsan hay’adaha caalamiga ah ee taageera Soomaaliya iyo sidoo kale haween Soomaaliyeed, barakacyaal iyo qaxooti dalkeenna magangelyo u soo doontay.
Maryan Osman Mohamed, Lataliyaha Arrimaha Sharciga ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo madasha ka hadashay, ayaa sheegtay in ay aad muhiim u tahay in la garab istaago haweenka Soomaaliyeed, maadaama ay laf-dhabar u yihiin dowlad-dhiska, nabadda iyo horumarka bulshada.
*International Women’s Day* waxaa sanad kasta la xusaa *8-da Maarso,* waana maalin caalami ah oo lagu qadariyo kaalinta haweenka ee horumarinta bulshada, laguna iftiimiyo dadaalka ay u galeen helidda xuquuqdooda, iyo guulaha ay ka gaareen dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo nolosha guud ee bulshada.





















Be First to Comment