Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa Muqdisho ku soo gebagebeeysay Xuska Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo Bandhigga ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa caawa magaalada Muqdisho kusoo xertay xuska Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo Munaasabadda maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Aduunka 8da Maarso oo sanadkaan si ka duwan sidii hore looga xusay magaalada Muqdisho.
Munaasabadda xeritaanka Bandhigga ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Amb Axmed Macalin Fiqi, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qoyska marwo Maryan, safiirka dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho Amb alper aktaş, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, taliyaha Nabadsugiga Gobolka Banaadir Taliye Liibaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaana mas’uuliyiinta xeritaanka Bandhigga kasoo qeybgalay ay ku wareegeen goobaha ay Haweenka ganacsatada ah kusoo bandhigayeen wax soo saarkooda ayaga oo aad u dhiiri geliyey.
Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho Amb alper aktaş oo khudbad ka jeediyey xeritaanka Munaasabadda ayaa ku ammaanay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya fursad siinta iyo dhiiri gelinta Haweenka Soomaaliyeed ayadoo tani ay ka turjumayso hormarka ay Soomaaliya sida xowliga ah u sameyneyso oo amniga uu ugu horeeyo.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Amb Axmed Macalin Fiqi oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn ku ammaanay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya hal abuurkan cusub ee ay la yimaadeen iyo sida ay ugu taagan tahay hormarinta Haweenka Soomaaliyeed waxaana uu dhinaca kale ku ammaanay kaalinta ay Haweenku ka qaateen hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta iyo sugidda amnigan lagu naaloonayo.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo si rasmi usoo xirtay Bandhigga ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed iyo xuska Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo Munaasabadda maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Aduunka ayaa uga mahad celisay Haweenka ganacsatada ee ku jira ururka Haweenka Ganacsatada ah sida ay usoo bandhigeen hal abuurkooda ganacsi, sidoo kalena waxa ay u mahad celisay mas’uuliyiintii kala duwanaa ee u yimid dhiiri gelinta Haweenka ganacsatada ah.
Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa sanadkan si weyn oo aan horey loo arag u qabatay xuska Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo Munaasabadda maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Aduunka 8da Maarso ayadoo Bandhigga ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed inta uu socday Haween badan wax looga iibsaday halka ay sidoo kalena Haween badan ku heleen fursado baaritaano iyo daweyn caafimaad oo lacag la’aan ah.




Be First to Comment