Press "Enter" to skip to content

Kulankii labada gole Baarlamaan oo ka furmay xarunta VILLA Hargeisa

Muqdisho(SONNA):-Kulankii wadajirka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankaas lagu wado in lagu ansixiyo dhamaystirka Dastuurka dalka.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 185 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 37 Senator oo ka tirsan Aqalka Sare,sida uu ku dhawaaqay guddoonka golaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoominaya kulanka wadajirka ah ee Labada Aqal.

Xildhibaanada iyo Senatorrada ayaa la filayaa inay ka doodaan isla markaana cod u qaadaan qodobada Dastuurka ee la horgeeyay Baarlamaanka, kuwaas oo qayb ka ah geeddi-socodka dhammeystirka Dastuurka dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r