Press "Enter" to skip to content

Hay’adda SoDMA oo kaalmo gaarsiisay Degmada Wisil

Wisil (SONNA): Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Gurmadka Abaaraha Galmudug, ayaa maalintii 3-aad ee safarkiisa gurmadka Abaaraha ku gaaray Degmada Wisil ee Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Guddiga Abaaraha Degmada Wisil ku wareejiyay 125 Booyadood oo biyo-dhaamin ah, si loo gaarsiiyo dadka ku nool miyiga iyo deegaannada hoos yimaada degmada, kuwaas oo ay saameysay abaarta ka jirta halkaasi.

Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu wuxuu gurmad biyo-dhaamin ah u sameeyay dadka ku nool deegaannada miyiga ah, halkaas oo uu kula kulmay qoysas ku sugan xaalad nololeed oo aad u adag. Wuxuu baaq u diray shacabka Soomaaliyeed inay u gurmadaan walaalahooda ay abaartu saameysay.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r