Press "Enter" to skip to content

Taliyaha Xoogga Dalka oo la kulmay saraakiil ka socday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA);-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay U-qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya Antonino Mazzocca

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada ciidan.

Taliyaha XDS ayaa Dowladda Talyaaniga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo qalabaynta.

Dhankiisa, U-qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Talyaaniga, Captain (Navy) Antonino Mazzocca, ayaa caddeeyay in dowladdiisu ka go’an tahay sii wadidda taageerada iyo iskaashiga, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda ay nabadda iyo xasilloonidu u leeyihiin Soomaaliya.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r