Press "Enter" to skip to content

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo aqoonsiga laga guddoomay

Canberra (SONNA): Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia Danjire Dr Faysal Axmed Salaad ayaa si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay Sam Mostyn, oo ah wakiilka boqorka (Governor-General) dalka Australia.
Intii lagu guda jiray munaasabadda, safiirku waxa uu adkeeyay muhiimadda xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Australia.
Qodobada muhiimka ah ee la isla soo qaaday waxaa ka mid ahaa:
* Muhiimadda ay xawaaladaha u leeyihiin dhaqaalaha Soomaaliya iyo baahida loo qabo fududeynta rukhsadaha iyo helitaanka akoonnada bangiyada ee shirkadaha xawaaladaha (MSBs) ee ka shaqeeya Australia.
* Horumarinta iskaashiga waxbarashada iyo ganacsiga si loo gaaro koboc iyo horumar waara.
* Fududeynta socdaalka, gaar ahaan tixgelinta Visa on Arrival ee baasaboorrada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa diblomaasiga iyo adeegga.
* Doorka muhiimka ah ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia ay ka qaadan karto sidii ay u noqon lahayd buundo isku xirta labada dal.
Safiirku waxa uu muujiyay rajadiisa ku aaddan inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Australia iyo dhammaan bah-wadaagta si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Tani waa dhacdo taariikhi ah taas oo lagu xoojinayo xiriirka Dowlaha Australia iyo Soomaaliya.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r