Press "Enter" to skip to content

Degmada Gubadley oo u gudubtay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Muqdisho (SONNA): Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo tobnaad, isla markaana ay qabanayso Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, lagana dhageystaa Radio Muqdisho habeen walba.

Xalay waxaa tartanka ku loollamay degmooyinka Gubadleey iyo Galbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Gedo. Barnaamijkan waxaa si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Degmada Gubadleey ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartanka kaddib markii ay heshay 16 dhibcood, halka Degmada Galbahaareey ay heshay 12 dhibcood.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r