Press "Enter" to skip to content

Guddoomiyaha SoDMA oo xurunta Hay’adda ku qaabbilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Cuntada Adduunka

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabbilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, Mudane Hameed Nuur.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan u-diyaargarowga iyo ka-jawaabista degdegga ah ee musiibooyinka, dhisidda adkeysiga bulshada, iyo horumarinta nidaamyada digniinta hore. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo falanqaynta Nidaamka Kala Saarista Heerarka Sugnaanta Cuntada (IPC).

WFP ayaa intaa ku dartay soo bandhigista Qorshaheeda Istaraatiijiyadda Dalka ee 2026–2028, kaas oo la jaanqaadaya qorshayaasha horumarineed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r