Press "Enter" to skip to content

Koonfur Galbeed oo diyaarineysa ciidamo ka qeyb qaata adkeynta amniga

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa booqasho iyo dhiiragelin ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, kuwaas oo loo diyaarinayo adkeynta amniga iyo ilaalinta dowladnimada koonfur galbeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in dowladdu ka go’an tahay taageeridda iyo tayeynta ciidamada, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran ee ku aaddan difaaca dalka, ilaalinta dowladnimada, iyo ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso amniga, dib u dhiska hay’adaha dowliga ah, iyo sugidda nabadda shacabka ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r