Press "Enter" to skip to content

Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabatay shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada (Social Protection Coordination Meeting), kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada, iyo bah-wadaagta si loo dardargeliyo barnaamijyada ilaalinta bulshada.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Salim Aliyow Ibroow, oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada ilaalinta bulshada iyo gaarista dadka nugul ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Marwo Aamina Xuseen Cali, ayaa ka qeyb-gashay shirka, iyadoo iftiimisay doorka hoggaanka Wasaaradda ku leeyahay horumarinta iyo isku-duwidda barnaamijyada ilaalinta bulshada.

Intii uu socday shirka, waxaa lagu soo bandhigay horumarka iyo casharrada laga bartay barnaamijyada kala ah.

Child Sensitive Social Protection (CSSP), Baxnaano, SAGAL Project, USR iyo SPDS.

Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka ka jawaabista dhibaatooyinka degdegga ah (Shock Responsive Social Protection) iyo kor u qaadista isku-duwidda iyo wadaagista xogta.

Shirkani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Wasaaradda ee lagu dhisayo nidaam ilaalin bulsho oo waara, isla markaana gaaraya dadka nugul ee Soomaaliyeed.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r