Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa shaacisay xilliga shaqada inta lagu jiro Bisha Barakeysan ee Ramadan.
Wasaaraddu, iyadoo tixgelinaysa xurmada iyo fadliga bisha Ramadan, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Muslimiinta bilashada bisha barakeysan.
Sida ku cad ogeysiiska Wasaaradda, saacadaha shaqada ayaa wax-ka-beddel lagu sameeyey, waxaana laga dhigay sida soo socota.
09:00 Subaxnimo, soo gelidda shaqada
03:00 Galabnimo, ka bixidda shaqada.




Be First to Comment