Press "Enter" to skip to content

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay afar dhaqar-qabe

Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa caawa fiidkii dilay afar (4) dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyagoo gubay gaari ay wateen kadib markii jidka loo galay iyagoo u socda inay dhibaateeyaan oo jidka u galaan gaadiid ay wateen dad shacab ah.

Howlgalkaas oo sidii loo qorsheeyey u dhacay ayey ciidanku caawa ka fuliyeen inta u dhexeysa deegaannada Yasooman iyo Moqokori ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay heleen xogta maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo dhaqdhaqaaqooda horay loola socday.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r